Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden.
Waxaa soo dhaweyntaan ka qayb-qalay xubno ka tirsan xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimayaal, siyaasiyiin iyo qaybo ka mid ah Bulshada Gobolka Banaadir.
Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullaahi Aadan ayaa loo galbiyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxa ayna kawada hadleen iskaashiga wada-shaqeyn iyo wax is-dhaafsiga labada magaalo ee Bolnas iyo Muqdisho.














