Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene ayaa hadda daahfuray Shirweynaha Xalka Waara ee heer Qaran, halku-dhiggiisuna yahay tayeynta iyo isku-dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed, shirka oo muddo labo cisho ah ka socon doona magaaladda Muqdisho.
Shirweynaha Xalka Waara ee Heer Qaran waxaa kasoo qaybgalay wsiirro iyo xildhibaano ka tirsan Dowaldda Fedaraalka Soomaaliya iyo saaxibada Soomaaliya ka taageero mashaariicda hormarinta.
Shirka inta uu socdo waxa looga hadlay xaaladda abaaraha ka jiro Soomaaliya xiliggan iyo Xal u helidda Sadka barakacayaasha ah ee saameeyeen abaaraha iyo dagaalada khawaarijta lagu jiro ee ka socda dalka.
Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabduraxmaan Beenebeene oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu badan ee ku nool yihiin barakacayaasha, isagoo sheegay in Dowaldda Soomaaliya ay ka go’an tahay xal u helida dadka Soomaaliyeed ee barakacayaasha ah.
Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in ku dhawaad 3-milyan oo qof ay gaarayaan dad barakacayaasha ah ee ku nool Soomaaliya, kuwaasoo u baahan in laga caawiyo waxbarashada caafimaadka iyo In dib u dajin loo sameeeyo.