Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir iyo hay’adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii hey’addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan, ayaa ku ammaanay maamulka gobolka Banaadir iyo hey’adihiisa amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay.
























