Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hogaaminyay ayaa goor dhow ka duulay garoonka Aadan Cade ee magalada Muqdisho. waxeeyna ku wajahan yihiin magaalada Sama-reeb ee Caasimadda Galmudug.
Duqa Muqdisho iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga ah eeĀ u dhaxeeya madaxda dowladda FS , kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.














