Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo soo saaray amarro lagu joojinayo caqabado ka jiray CID-da: SAWIRRO

0
338

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da, halkaas oo loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dudaha iyo dibadda dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhammaan qaybaha iyo waaxaha ay ka koobantahay CID-da, isaga oo cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyadoo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu taliyuhu soo saaray amarrada soo socda;-

1. Waxaa la mamnuucay qof u dhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2. Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmi karo, isla markaana adeegyadooda loogu qabto saacado gudahood.

3. Waxaa si faahfaansan loola wadaagi doona bulshada habsami u socodka adeeggan.

Ugu dambeyn, waxaa uu taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, isaga oo u ballanqaaday in uu kormeer iyo kor-joogteyn joogto ah ku samayn doono xarumaha booliiska ee bixiya adeegyada dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here