Guddoomiye Amiir oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
79

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa soo xiray tartanka Qur’aan akhriska bisha Ramadaan ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankan oo sanad walba bisha barakeysan ee Ramadaan la qabto ayaa waxaa ka qayb-galay arday ka kala socotay dugsiyadda Qur’aanka Kariimka ee degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo kaalimaha horey u kala galay;

30-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka:

1- Caa’isha Aadan Maxamed (Kaalinta 1-aad).
2- Maxamed Cusmaan Aadan (Kaalinta 2-aad).
3- Xannaan Axmed C/laahi (Kaalinta 3-aad).

20-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka:

1- Cabdimaalik Rashiid Maki (Kaalinta 1-aad).
2- Sakariye Cilmi Maxamed (Kaalinta 2-aad).
3- Cabdiraxmaan C/salaam Maxamed (Kaalinta 3-aad).

10-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka:

1- Cabdisalaan Cumar Xuseen (Kaalinta 1-aad).
2- Ibraahim Macalin Xareed (Kaalinta 2-aad).
3- Aasiya Nuurudiin Xasan (Kaalinta 3-aad).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay macallimiinta dugsiyadda Qur’aanka Kariimka in ay ardeyda baraan tafsiirka Qur’aanka, si ay faham guud ugu qaataan micnaha uu leeyahay Qur’aanka Kariimka, isaga oo ballan-qaaday inuu wax ka qaban doonno marxaladda ay hadda ku sugan yihiin dugsiyadda Qur’aanka Kariimka.

Guddoomiye Amiir ayaa abaal-marinno guddoonsiiyay ardayda kaalimaha horay ka galay tartanka Qur’aan akhriska bisha Ramadaam ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, isaga oo hambalyo iyo boogaadin u diray dhammaan ardeyda, macalimiinta, guddigii qaban-qaabada, guddigii garsoorka iyo waalidiinta.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, agaasimeyaal, guddoomiye ku-xigeenada arrimaha bulshada degmooyinka gobolka Banaadir, Culuma’uddiin, macallimiimta dugsiyada, waaliddiin iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here