Sawirro: Duqa Muqdisho oo Xarigga ka jaray Bandhigga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed

0
332

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray bandhiga carwada warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Bandhigaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu soo bandhigay wax soo saarka warshadaha ka dhisan dalka, taasoo looga kaaftoomayo baahida Ganacsatada Soomaaliyeed ay u qabeen in dalka dibadiisa ay kasoo dhoofsadaan badeecadaha maanta lasoo bandhigay.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddiyada Warshadaha iyo Ganacsiga Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo daneeyayaal kale ayaa kas qaybgalay bandhigaan oo ah midkii ugu horreeyay ee lagu qabto dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here