Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo digniin adag u diray askarta dilalka u geysta shacabka: MUUQAAL

0
248

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdishi, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shur jaraa’id ku qabtay taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa dugniin adag u diray askarta caadeyatay inay dilal aan loo meel-dayin u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wax la filayay aysan ahayn in ciidamadii laga sugayay inay amniga shacabka ilaashaan ay iyagii dilaan, isagoo sheegay in askartii dilalka geystay oo isugu jiray booliis iyo nabadsugid xabsiga la dhigay, lana soo taagi doono maxkamad.

“Waxay noqotay halkii cir laga filaayay ayay ceeryaamo ka timid, mar haddii askarigii ku qornaa hay’adaha amniga ee laga rabay inuu amniga dadka ilaaliyo uu iyagii dil iyo dhaawac u geysanayo, waana tan keentay inaan illaa habeen hore daba-taagnaano, intii falalkaas ku lug lahaana gacantaa lagu soo dhigay, wayna xiran yihiin” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho waxa uu sheegay in maxkamadda lasoo taagayo ay noqon doonto mid loo dhan yahay oo saxaafadda iyo innaguna aan goobjoog ka ahaanno si loo ogaadi halka ay xaaladoodu ku dambeynayso.

“Waxaan leennahay dilaayoow, damiir-laawoow, ma damqadoow aan is daynno. Mar haddii aad damiir lahayn oo aad dilaa tahay adna waa lagu dilayaa” ayuu caro leh u yiri Duqa Muqdisho.

Ugu dambeyn, waxa uu sheegay in dhawaan ay maxkamadda ciidamadu fulisay dilka laba ruux oo askar ahaa oo si arxan darro ah oo sharci-darro ah u dilay laba qof oo shacab ah, cid walba oo dil geysatana sidaas oo kale ayaa loo xukun dil ah loogu fulinayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here