Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad casho ah oo uu taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed u sameeyey ka qayb-galayaashii shirka amniga Qaranka gaar ahaan booliska oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, kaasoo ay qeyb ka ahaayeen maamulka Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo go’aannadii kasoo baxay shirka, isagoo tilmaamay in xukuumadda #DanQaran ay dadaal dheeraad ah galineyso tayada, tirada, cududda iyo qalabeynta ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray sugida amniga, gaar ahaan Caasimadda oo uu sheegay in isbeddel amni uu ka muuqdo, ay lna ciidanku aad uga feejigan yihiin dhagaraha Khawaariijta, isaga oo shacabka Gobolka Banaadir ku amaanay la shaqeynta laamaha amaanka taasina ay qayb muhiim ah ka qaadatay ka hor taga dhagaraha Khawaariijta.