Kulan Magaalada Jabuuti ku Dhex-matay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle: SAWIRRO

0
268

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen, xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban, dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaarijta , qaadista Cunaqabateynta hubka, ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here