Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Deegaanka Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho kaga qayb-galay kulan isugu jiray wacyigelin nulsho, soo bandhigista wax-qabadka maamulka Garasbaaley iyo dardar-galinta barnaamijka Garan-waa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamuud.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Wasiir u Dowlaha Amniga XFS, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, wasiir ku-xigeenno, xildhibaano, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, odayaasha dhaqanka deegaanka iyo bulshada qaybahooda kala duwan.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka hortaga dhagarta Khawaarijta, dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, ciribtirka muqaadaraadka, la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geyta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday ciyaal-weerada oo halis ku ah xasiloonida caasimadda. 

















