Duqa Muqdisho oo dib u howlgaliyay dugsiga Hoose,dhexe iyo sare ee Waxaracadde.

0
117
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waxaracadde, oo dib loo dhisay kaddib burburkii dalka, isla markaana hadda dib u billaabaya adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Hoose ee Muqdisho ee lagu horumarinayo waxbarashada bilaashka ah iyo dib-u-soo-nooleynta goobihii waxbarasho ee burburay muddadii dagaallada sokeeye.
Dugsiga Waxaracadde, oo markii hore la aas-aasay sanadkii 1984, ayaa ahaa mid ka mid ah xarumihii waxbarasho ee sida weyn doorka ugu lahaa horumarinta bulshada deegaanka, balse hakad galay burburkii dalka kaddib. Dib-u-dhiska iyo furitaanka cusub ee dugsigan ayaa lagu xaqiijiyay in ardayda degmada Heliwaa ay helaan fursad waxbarasho oo tayo leh, bilaash ah, laguna tababaro aqoon iyo akhlaaq suuban.
Sheekh Mukhtaar Maxamuud, oo ah maamulihii ugu horreeyay dugsiga, ayaa mar kale loo magacaabay xilkaas, isagoo ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada ardayda iyo maamulka dugsiga.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada ee Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa sheegay in uu fulinayo amarka Duqa Magaalada Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo ku aaddan in xaafad kasta laga dhiso iskuullo iyo xarumo waxbarasho oo casri ah, si loo ballaariyo helitaanka tacliin tayo leh oo loo siman yahay.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Duqa Muqdisho, ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay inuu daboolo dhammaan baahiyaha dugsiga, isla markaana ardayda loo diyaariyo agab iyo jawi waxbarasho oo ku filan. Wuxuu xusay in waxbarashada ay tahay mudnaanta koowaad ee maamulka, isagoo amray in la dhameystiro goobaha waxbarasho ee weli qabyo ah, lana dayactiro dhammaan iskuullada burburay, si loo xaqiijiyo waxbarasho carruurta Soomaaliyeed u horseedda mustaqbal ifaya.
Munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin heerar kala duwan oo ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir, Wakiillo metelayay bahda waxbarashada iyo bulshada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here