Dowladda Somalia oo ka Warbixisay Shir ka Socda Nairobi oo looga hadlayo sidii loogu biiri lahaa EAC

0
381

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo saxaafadda uga warbixiyay shirka wada-xaajoodka farsamo ee ku biiritaanka Somalia ee Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika,  isla markaana ay la leeyihiin wafdiga ka socda Ururka EAC oo maalmahan shirar uga socdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay  in kulanka labada dhinac uu meel fiican u marayo, kaas oo lagu wado in warbixin dhameystiran uu ka soo baxo maalinta Khamiista ah ee nagu soo aadan.

Mudane Hadliye ayaa xusay in sahankan uu soo bilaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022-ka,, haatana ay socdaan dadaallada ku aaddan sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd suuqa dhaqaalaha Bariga Afrika.

“Wafdi ka socda EAC Iskaashiga ayaa ku tagay kormeer Soomaaliya, halkaas oo ay ku soo arkeen horumarka ay sameysay DFS ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha muddadii ay joogeen wafdiga, iyagoo u riyaaqay dadaallada dowladda,” ayuu yiri Cabdisalaan Hadliye

Sidoo kale, Mudane Hadliye ayaa yiri: “Shirka Guddiga farsamada meel fiican ayuu marayaa, waxaanu rajeynaynaa in  Soomaaliya dhamaadka sanadkan ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.”

Wafdiga uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika mudane Hadliye oo ay ku jiraan safiirka Somalia ee Tanzania Sahra Cali Xasan, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamsa Aadan Xaadow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Bashiir Macalin Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka kooban quburo 45 qof ah ayaa kulammo farsamo kula leh magaalada Nairobi wafdiga ka socday EAC, kaas oo lagu wado in la soo gaba-gabeeyo Khamiista soo fool leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here