Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan toddobaad u jooga deegaannada Galmudug abaabulka hawgallada deegaanka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa kulammo miro-dhalay la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.
Madaxweynaha Somalia ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisada kaga harsan yihiin Galmudug, isaga oo ku booriyay in ay ka hor-tagaan qorsheyaasha Khawaarijtu ku kala qaybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay kusii carqaladeeyaan nolasha iyo horumarka Bulshada.






























