Naadiga Arsenal ayaa heshiis la gaartay xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham United Declan Rice, kaas oo ku kacaya in ka badan 100 milyan oo gini oo u dhiganta 127-milyan oo doollar, sida ay ku warrantay warbaahinta Ingiriiska.
24-jirkan heerka caalami ee dalka Ingiriiska ayaa helay ogolaasho uu ku maro tijaabada caafimaadka toddobaadkan, sida ay soo warisay jariidadda Guardian.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in West Ham ay aqbashay dalab ku kacaya 100 milyan ginni oo lagu daray 5 milyan oo dheeri ah, iyadoo qaybta dammaanadda ah ee kharashka la filayo in lagu bixiyo saddex qaybood muddo laba sano ah.
Rice waxa uu ku biiray akadeemiyadda West Ham markii uu kasoo dhaqaaqay Chelsea isagoo dhalinyaro ah, waxaana uu u ahaa tiir-dhexaad tan iyo ololihiisii 2017-18.
Waxa uu kooxda u ciyaaray in ka badan 200 oo kulan waxana uu ka caawiyay inay ku guulaystaan koobkii Europa Conference League bishii hore.
Dhanka kale, Weeraryahanka reer Brazil Roberto Firmino ayaa beeca xorta ah ugu biiray kooxda Al-Ahli kaddib markii uu ka tagay Liverpool, sida ay sheegtay kooxda Saudi Arabia Talaadadii.
“Mar walba waxaan u ciyaarayay kooxo waaweyn, hadda waxaan joogaa Al-Ahli,” ayuu Firmino ku yiri muuqaal uu soo dhigay barta twitter-ka ee Al-Ahli.
31-sano jirkaan ayaa saxiixay qandaraas seddex sanno ah, waxaana uu welin doonaa goolhaye Edouard Mendy, kaasoo sidoo kale ka tagay Premier League seddex xilli ciyaareed oo uu la joogay Chelsea.
Firmino ayaa Liverpool kusoo biiray 2015 waxana uu kooxda ka caawiyay inay ku guulaysato koobabka champions League, FA Cup-ka iyo premier League.
Ugu dambeyn, Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa dhammaadkii bishii May macsalaameeyay garoonka Anfield, isagoo dhaliyay goolkiisii 111-aad ee kooxda intii lagu jiray kulankoodii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.













