Qarammada Midoobay oo Haweenka Soomaaliyeed ku ammaantay kaalinta ay ka qaataan horumarka dalkooda

0
495

Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay kaalinta joogtada ah ee ay ka qaadanayaan horumarka dalkooda.

“Laga billaabo dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, hawlaha xasilinta deegaannadii dhawaan lagala wareegay gacan ku haynta Al-shabaab iyo gurmadka bini’aadamnimo ee abaaraha hadda jira, haweenka Soomaaliyeed waxay wadaan inay si mug leh uga qayb-qaataan dhammaan dhinacyada nolosha bulshadana,” ayay tiri ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Waxay hadalkeeda raacisay: “Kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay qaadanayaan waxaa ka mid ah; inay abaabuleen bixinta taageero bani’aadanimo – sida cuntada iyo sahayda kale ee muhiimka ah iyo hoyga la siiyo dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaarta daba-dheeraatay.”

Sidoo kale, Anita Kiki waxa ay sheegtay in Qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay dadaallada socda ee haweenka Soomaaliyeed ee sannadaha ah, waxayna ku boorinaysaa dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda dalka, inay xaqiijiyaan in haweenka si ballaaran uga mid noqdaan, cod ku yeeshaan kana qaybgalaan dhammaan hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad-goboleed taasoo ka mid ah dadaallada lagu xaqiijinayo laguna joogteynayo nabadda, barwaaqada iyo horumarka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay haweenka Soomaaliyeed ku dhiirri-gelinaysaa inay tiknoolojiyada ku adeegsadaan shaqadooda si ay gacan uga geystaan ​​dhisidda Soomaaliya wanaagsan. Heerarka isticmaalka internetka ee Soomaaliya ayaa sare u sii kacayay sannadihii la soo dhaafay, wuxuuna hadda marayaa 13.7 boqolkiiba – tirada guud ee dadka billowgii sanadkii 2022, sida ay sheegtay shirkadda dabagalka isticmaalka dhijitaalka ee DataReportal.

Ugu dambeyn, Maalinta caalamiga ah ee haweenka ayaa caalamka laga xusayay tan iyo sanadkii 1975-kii markaas oo ay Qaramada Midoobay ay billowday xuska maalintan, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka. Maalinu waxay muujinaysaa baaqa waxqabad ee dardar-gelinta sinnaanta jinsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here