Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka aragti wadaagga ee machadka Heritage oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddiisu dajisay qorshe dhab u heshiisiin loogu sameynayo bulshada, kaas oo la daah-furayo marka laga baxo bisha Ramadaan ee foodda nagu soo hayso.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in la dhammeystiray qorsheyaal qoto dheer oo wax lagaga qabanayo khilaafyada iyo ka hortagooda, kuwaas oo hadda soo dhammaaday laguna qoray labada luqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriiska.
”Waxaan dejinay istiraatijiyad qorsheyaal qoto dheer oo wax lagaga qabanayo xalinta khilaafyada iyo heshiisiinta noocyadooda kala duwan,waxaa ugu weyn hannaan aan hadda soo dhammeystirnay oo layiraahdo hannaanka dhab u heshiisinta qaran ka hortagga iyo xalinta khilaafyada, wuu soo dhammaaday labada luqadood ee Igiriiska iyo Soomaaliga ayuu ku qoran yahay, waxaana daah-fureynaa marka Ramadanka laga baxo’,”.
Wasiir Fiqi, oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankan dhab u heshiisiinta, wadatashi lagala sameeyay dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo maamul gobolleedyada dalka.
“Wadatashi ururada bulshada rayidka iyo dhammaan iyo dowlad gobolleedyadaba, hannaankaas 6-tiir buu ka kooban yahay, waxaana ku dhex lifaaqan oo iyaduna la diyaariyay qorshaha fulinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaran oo ka kooban in ku dhaw 200 oo tallaabo oo lagu hir-gelinayo hannaankaas,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Ugu dambeyn, Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Somalia, mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay machadka Heritage, isaga oo u rajeeyay inuu shirku guul kusoo dhammaado.













