Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan: MUUQAAL

0
264

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ku nool iyo guud ahaan caalamka Islaamka bilashada bisha Ramadaan.

“Bishan waa bil naxariista iyo dambi dhaafka, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleynta dadkeenna danyarta ah oo ay badiyaan baryada Alle bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo, ” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Madaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here