Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo guddoomiyaha degmada Hodan, mudane Cali Axmed Faarax ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray aargo ay yeelatay degmada Hodan, taasoo uu maro waddada gasha xarunta degmada Hodan.
Mudane Cali Faxle ayaa sheegay in lacagta lagu dhisay ay tahay mid jeebkooda ah oo aan laga qaadin shacabka degmada ku nool, aargadanna ay tahay mid bilicda degmada kor u qaadaysa.













