Agaasimaha Waaxda Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Maxamed Xasan o ka hadlay furitaanka tababar la siinayo shaqaalaha waaxda gargaarka degdegga iyo dab-damiska Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in tababarakn ay si mutadawacnimo ah u bixinayaan shaqaale ka yimid Turkiga.
“Tababarka halkan ka furmay maanta, waxaa bixinaya shan qof oo shaqaale ah oo uu hoggaaminayo agaasimaha waaxda gurmadka deg-degga ah ee magaalada Konya ee dalka Turkiga,” ayuu yiri Agaasimaha oo intaas ku daray.
“Waxaan rajeynaynaa in shaqaalaha Dowladda Hoose ee maanta tababarka loo furay ay ka faa’iideysan doonaan. Waxaanan u mahadcelinayaa shaqaalaha Turkiga ee uu ugu horreeyo agaasimaha”.
Dhanka kale, Agaasimaha Xiriirka Dibadda ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xusay in iyadoo dhawaan dalka Turkiga uu ka dhacay dhulgariir ba’an ay goosteen inay noo yimaadaan oo ay na siiyaan tababarkan, isagoo xusay inay tani muujinayso qalbi wanaagga iyo taageerada xoogga leh ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Agaasine Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo Hay’adda TIKA ee laga leeyahay Turkiga oo barnaamijkan wax ka fulinaysay, waxa uuna xusay in arrintan ay ka dhashay heshiis 2021-kii lagu mataaneeyay Muqdisho iyo Konya, Turkiga.













