SAWIRRO: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kulan Taliyaasha Ciidanka Booliska

0
334

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta shir la qaatay taliyeyaasha booliska, qaybta guud ee Gobolka Banaadir, qaybaha, saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, shirkaas oo looga hadlayey adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Taliye Firin ayaa saraakhiisa ciidanka booliska faray in si weyn looga hortago falalka lidiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay Khawaarijta u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Talayiha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa amray ciidamada inay labo jibaaraan dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.

Ugu dambeyn, Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo maalmahan uu taliyaha booliiska Soomaaliya ku sameynayay kormeerro iyo indho-indheyn ah hoggaannada iyo xarumaha booliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here