Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga la-dagaallanka Argagixisada oo horey uga soo gudbay Golaha Shacabka.
Sharcigan ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku oggolaatay 29 Senator, ma jirto Senator ka aamasay iyo mid diiday.
Dhanka kale, Sharcigan ayaa waxa uu ka mid yahay dhawr sharci oo aqalka sare uu meel-mariyay dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, kuwaasoo uu ku jiray sharciga aqoonaiga iyo diiwaangelinta dadweynaha.
Ugu dambeyn, xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa 8-dii bishan ansixiyay sharciga la-dagaallanka argagixsada, wuxuuna dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha JF Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.













