SAWIRRO: Madaxweye Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay caasimadda Eritrea ee Asmara

0
139

Madaxwwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonto laba maalmood ah ayaa ka dambeysay kaddib casuumaad rasmi ah oo madaxaweyn Xassan Sheekh ka helay dhiggiisay dalka Eritrea, Isaias Afwerki.

Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan ciidamo Soomaali ah, kuwaasoo muddo dhawr sano ah tababarro kala duwan ku qaadanayay, inkastoo qaar ka mid ah dalka dib loogu soo celiyay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisan waxa uu noqonayaa kii saddexaad oo uu dalkaas ku tago tan iyo markii xilka loo doortay horraantii sanadkan. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here