MUUQAAL: Madaxweyne Xasan oo Farriin u diray Hoggaanka Maamulka Puntland

0
353

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan raalli ka ahayn in maamulka Puntland oo muddo lagu soo caano-maalayay uu si fudud ku burburo, dadkuna is-dilaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay khudbo uu ka jeediyay masjidka shuhadada ee ku dhex-yaalla madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib salaaddii Jimcaha.

“Madaxda Puntland, waa in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo odayada dhaqanka deegaanka. Raalli kama noqon karno in muddoo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano aan soo dhisaynay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in ifafaalaha xilligan ka muuqda Puntand oo qabanaysa doorashooyin 25-ka bishan ay yihiin kuwo aan fiicnayn oo sababi kara burbur maamul iyo colaad.

“Puntland waa deegaan Soomaaliyeed, raalli kama ihin dadkaas inuu nidaamka ka dumo iyo inay is-dilaan, laakiin ifafaalaha muuqda mid wanaagsan ma aha. Madaxda Puntland waxaan leenahay, dadka iyo rabitaankooda tixgeliya,“ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa yiri: “Doorashada qofka iyo codka ah horay ayaa Puntland loogu tibaabiyay oo dadka haddii aanay raalli ka ahayn, lama marin karo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here