Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan loogu qori-tuurayay degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ee tartanka bisha Ramadaan oo ay qabato Idaacadda Codka Caasimadda ee Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay maanta xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa ku-xigeenka Hawlaha Guud, Xoghayaha Guud, Agaasimayaal iyo ku-xigeennada arrimaha bulshada degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin ka socday mu’asasada Jaabir Bin Xayaan.
Qori-tuur goobta lagu sameeyay ayaa waxay degmooyinka iyo deegaannadu isugu dhaceen sida soo socota:
1. Xamareyne vs Kaxda
2. Heliwaa vs Cabdulcasiis
3. Xamar Jajab vs Wadajir
4. Warta Nabadda vs Hodan
5. Boondheere vs Daarusalaam
6. Kaaraan vs Dayniile
7. Yaaqshiid vs Gubadley
8. Hawlwadaag vs Dharkeynley
9. Waaberi vs Garasbaaley
10. Shangaani vs Shibbis
Qori-tuurka kaddib, Agaasime C/naasir Iidle ayaa ka hadlay muhiimadda tartanka iyo in sanad walba la qabto, isagoo u mahad-celiyey mu’asasadda Jaabin Bin Xayaan oo su’aalaha u soo diyaarisa Idaacadda Codka Caasimadda ee maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maamulka Gobolka Banaadir Ciise Guure oo kualnka soo xiray ayaa bogaadiyay sida loo soo agaasiney kulanka, waxa uuna u mahad-celiyey Agaasinka Idaacadda iyo shaqaalaha isagoo ballan-qaaday in maamulka gobolku uu bixin doono abaalmarin lagu farxo waqtigeedana lagu bixin doono.

















