MADAXWEYNE XASAN: Doorashada soo socota waxay noqon doontaa Qof iyo Cod

0
399

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada soo socota ee ka dhici doonta Soomaaliya ay noqon doonto mid qof iyo cod ah oo mari doono hannaan xisbiyeed.

“Doorashada soo socota ee Soomaaliya Alle hadduu yiraahdo doorashada soo socoto waa qof iyo cod xisbiyeysan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad uu klxalay ku saxiixayay Hindise sharciyeedyo ay ansixiyeen golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubnaha guddoonka iyo guddiyada labada Aqal ee halkaas ku sugnaa ka codsaday in ay qabyo tiraan dastuurka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa qabyo tirka dastuurka ku tilmaamay mid horseedi karta in laga gudbo habka baarlamaaniga ah ee ay haatan ku dhacaan doorashooyinka dalka, waxa uuna intaasku daray inaysan xildhibaannada iyo hoggaanka maamul goboleedyaduba diyaar u ahayn in mar kale ay dalka ka dhacdo doorasho dadban.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in siyaasaddu aysan ahayn tiro badnaan iyo laandheeranimo, balse ay tahay abaabulnaan iyo feker jira oo lagu wada qancay.

“Dowladdu waxay dajinaysaa qorshe shan sanaale ah kaasoo diiradda lagu saarayo hiigsiga mustaqbalka fog iyo wejiga ay Soomaaliya yeelan doonto 2060-ka,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Qorshaha uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Xasan ayaa gogol-xaar u noqonayo jiilasha dambe iyo in Soomaaliya ay shantii sanaba ku tallaabsato guulo aad u waaweyn iyo horumarro ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here