Guddoomiye Yabooh oo xafiiskiisa kula kulmay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya: SAWIRRO

0
282

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud  ee UNDP Mr Jocelyn mason iyo ku-xigeenka UNDP Marwo  Sophie kemkhdze.

Maamulka Gobolka Banadir iyo UNDP ayaa kawada hadlay in la iska kaashado dhinacyada dib u hishiisiinta, xasilinta, golaha deegaanka degmooyinka, nabad-dhiska maamul-wanaag, daadajijta maamulka, shaqa-abuurka dhallinyarada iyo kor u qaadista xirfadaha gacanta ee la barayo dhallinyarda Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Sidoo kale, Labada dhinac ayaa isku af-gartay in kor loo qaado hawlaha wacyi-gelinta bulshada oo ay qayb ka tahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada kasoo baxa Jaamcadaha.

Hay’adda UNDP ayaa Gobolka Banaadir ka taageeri doonto hawlaha xasilinta, dib u heshiisiinta iyo hannaanka farsamo ee maamul u sameeynta magaalada Muqdisho oo ay ugu horreyso hannaanka golayaasha deegaanka heer gobol iyo heer degmo.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yabooh ayaa sagootiyay Agaasimaha Guud ee UNDP Mr Jocelyn oo ka dhammaaday xilli hawleedkiisa Soomaaliya, waxa uuna soo dhaweeyay Marwa Sophie oo sii noqon doonto wakiilka UNDP ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here