Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda ee booliiska sida millateriga u tababaran, isagoo ka dhageystay warbixina la xariira xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada iyo guulaha laga gaaray hawl-gallada laga fuliyay degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa ku bogaadiyay ciidanka xasilinta Caasimadda sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugidda amniga iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah amniga.
Dhanka kale, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa ku amaanay ciidanka xasilinta sida wanaagsan ee ay ula falgalaan bulshada, inta ay ku jiraan hawlaha amniga la xariira.



















