Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal ayaa shaacisay in heshiis cusub oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxdeeda ay la saxiixatay xiddiga da’da yar ee reer England, Bukayo Saka kaasoo ogolaaday inuu cimrigiisa ciyaareed u hibeeyo The Gunners.
Cayaaryahan Bukayo Saka, ayaa dhegaha ka furaystay kooxo waaweyn oo u gacan-haatinayay, waxaana uu go’aansaday inuu kordhiyo qandaraaskiisii hore oo ku ekaa dhammaadka xilli ciyaareedka dambe.
Tababare Mikel Arteta iyo Edu oo garbaha ka fadhiya ayuu Bukayo Saka saxiixay heshiis cusub oo saddex sano ah oo lagu kordhinayo qandaraaskiisa hore, taasoo ka dhigan in Arsenal ay damaanad u haysato laacibkan illaa laga gaadhayo sannadka 2026-ka.
Sidoo kale, 21 jirkan oo 13 gool u dhaliyay 37 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah ee xilli cayaareedka ooo uu Arsenal u saftay, isagoo 11 kale oo gool caawiye ka noqday, waxaana la sheegay in sare loo qaadayo mushaarkiisa.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Bukayo Saka uu toddobaadkii mushaar ahaan u qaadan doono lacag gaaraysa 300,000 oo Gini, waxa uuna noqonayaa cayaaryahanka ugu mushaarka badan kooxdiisa.
“Run ahaantii, waan ku faraxsanahay inaan sii joogi Arsenal. Waxa jiray warar badan oo mustaqbalkayga ah, balse halkan ayaan go’aansaday inaan sii joogaa. Ujeedkaygu waa inaan halkan guulo ku gaaro, inta ugu badanna ku dadaalo sidii aan kooxdayda Arsenal ula hanan lahaa guulo waaweyn,” ayuu yiri Buyako Saka oo warbaahinta si kooban ula hadlay saxiixa kaddib.
Ugu dambeyn, Kooxda Arsenal ayaa Saka kaddib waxay doonaysaa inay heshiis la saxiixato laacibka Reiss Nelson oo ka mid ah kuwa da’da yar, kaasoo qandaraaskiisu dhammaanayo bisha Juun ee sanadkan.













