Gubadleey oo Noqotay Horyaalka K/Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
827

Deegaanka Gubadleey ayaaa ku guuleystay koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir oo ay wehliso degmada Balcad, kaddib markii ay 4-3 gool gool-ku-laad ah ku garaaceen degmada Warta Nabadda.

Daqiiqadihii cayaarta loogu talo-galay waxa ay kusoo dhammaatay 0-0, sida uu sharcigu yahay waxaa la aaday Gool-ku-laadyo, taaso looga adkaaday kooxdii ku cayaaraysay Warta Nabadda.

Kulanka maanta oo ahaa mid adag ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya, Wasiirka Isboortiga, Ku simaha Duqa Muqdisho, guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dadweynaha badan ayaa maanta ka qayb-galay ciyaarta kama danbeysta ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Deegaanka Gubadleey ayaa noqday horyaalka degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir kaddib markii ay gool ku laad uga adkaadeen dhiggooda Warta Nabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here