Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha golaha Shacabka

0
95

XIldhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe”ayaa ku guuleystey doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka kadib markii uu wareeggii saddexaad cod aqlabiyad leh uu ka helay tartankii doorashada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay codad gaaraya 163 cod halka uu musharaxii la tartamayay Xasan Cabdi Nuur uu ka helay 89 cod.

Ddabaaldegyoxoogan ayaa ka biloowday gudaha magaalada, iyadoo laga maqlayo degmooyinka badankood rasaas sare loogu ridayo guusha Sheekh Aadan madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka xilligii dowladii kumeelgaarka ahayd waxaana uu ahaa musharax ay si weyn u taageerayeen mucaaradka Madaxweynaha muddo xileedkisiu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here