SAWIRRO: Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir oo booqday Shangani Referral Hospital

0
393

Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta kormeeray xarunta Shangani Referral Hospital.

Xaruntan ayaa ah xarun lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka si bilaash ah, waxaa ka faa’iideysta shacabka dan-yarta ah ee ku nool degmada Shangaani iyo degmooyinka kale ee dariska la ah.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahaa u kuur-galida hawlaha Caafimaad ee xaruntan, baahiyaha ka jira iyo sidii loo laba-jibaari lahaa adeegyada Caafimaad ee dadku u baahan yihiin.

Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Gobolka Banaadir waxaa koormeerka ku wehliyay guddoomiyaha hay’adda Wardi Xuseen Dhuuboow.

Ugu dambeyn, Agaasime Dr. C/raxmaan iyo guddoomiye Xuseen Dhuuboow ayaa koormeeray dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay Shangani Referral Hospital.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here