Haggaanka sare ee mamaulka gobolka Banaadir ayaa war ka soo saaray roobabkii Muqdisho ka da’ay ayaa wuxuu ku hadalkiisa ku billaabay:
Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah, Waxaana goor dhow soo saari doonnaa warbixin la xariirta saameynta Roobka, Waxaana sidoo kale gargaar deg deg gaarsiin doonaa dadkii ku waxyeellobay Roobabkii dabaalaha iyo daadadka watay ee ka da’ay Caasimadda.
Waxaan wali howl adag ka wadnaa maareynta saameynta roobka, anaga oo diyaarinay Matoorro tuura biyaha iyo Booyado ka dhuuqa meelaha ay biyaha fadhiisteen.
Ugu dambeyn, waxaa degdeg loo dhisi doonaa jidadka ay daadadka Roobka burburiyeen, waxaana fareynaa shirkadihii waddooyinkaasi horey u dhisay iney markale dib u dhisaan Laamiyo ka taya wanaagsan kuwii burburay.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal xoogga ugu jira sidii ay wax looga qaban lagaa xaaladaha nadaafadda iyo biyaha xilliyada roobabka, si bulshada loogu fududeeyo hawl maalmeedyadooda.














