War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay hawlgallada ciidanka ee xaqiijinta amaanka iyo xasilloonida inta lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
“Ciidanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa wada hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga Iyo xasilloonida ummadda. Iyadoo hawl-galladan ay ka socdaan guud ahaan shanta maamul-goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federalka iyo Gobolka Banaadir si loo xaqiijiyo nabadgalyada guud” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska guud ee ciidanka booliiska.
Qoraalka booliiska kasoo baxay waxaa lagu sheegay in guud ahaan amniga uu wanaagsan yahay marka laga reebo dhacdooyin yar oo ka dhacay Caasimadda Muqdisho.
Shalay abaare 23/Mar/2023, ayaan ku aragnay muuqaal ku baahay baraha bulshada oo xubin ku la bisan dharka ciidanka booliisku oo si fool xun ula dhaqmayay qof muwaadin ah, xabbadna ku ridaya agaagaarka xarunta KM-5 (Zobe). Dabagal kaddib, waxaa gacanta lagu soo dhigay askarigii falka ku kacay oo sumcad xumeynayay ciidanka booliiska, kuna xadgudbay muwaadinka, haddana wuu xiran yahay wax uuna wajahayaa cadaaladda.
Isla xalay abaare 08:10 ayay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijtu, waxay dhagar u soo maleegeen shacab aan waxba galabsan oo ku cibaadeysanayay maaajid ku yaalla waaxda Taleex ee degmada Hodon, balse ciidanka ayaa ka hor-tagay in aysan shacabka wax gaarin. Waxaana halkaa ku naf baxay mid ka mid ah khawarijta oo meydkiisa iyo hubkiiba gacanta lagu dhigay.
Saaka 24-kii Maarso 2023, ayay isku dayeen khawaarijtu mar kale inay dhibaateen shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha, balse Ciidanka Sirdoonka Qaranka ayaa ka hortagay, waxaana goobta lagu afjaray Khawarijtii, mootadii ay wateen iyo hubkii.
Dhanka kale, hawlgal qorsheysan oo ay ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa looga hortagay dhar ay Khawarijtu shacabka la damacsanaayeen agagaarka beerta Cali Mahdi, walow ay Khawarijtu goobta ka firxadeen.













