MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: Dastuurku ma aha Mashruuc ee waa masiirkeennii: MUUQAAL

0
432

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro dastuurka dalka.

“Dastuurku mashruuc ma ahan ee waa masiirkeennii, dastuurka dalka dibaddiisa looga hadli maayo ee dalka gudihiisa ayaa looga hadlayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in 90% dastuurka la isku raacsan yahay, inta yar ee hartayna loo baahan yanay in la dhameystiro, wuxuuna xusay in 10-kii sano ee u dambeeyay maalin walba laga hadlayay, lana yaqaan qodob walba sida uu kala noqonayo.

Dhanka kale, Madaxweyne ayaa xusay in dastuurka uu yahay waddadii loo mari lahaa Soomaaliyada cusub ee la doonayo in la helo 30-ka ama 40-ka sano ee soo socda.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ummaddaha dunida ay dib u eegis ku sameeyaan dastuurradooda 90 – 120 maalmood kaddibna la ansixiyo, balse keenna ayuu xusay in dib u eegis lagu sameeyo 11-sano ay tahay wax aan la aqbali karin. Isagoo ka dhawaajiyay in dhawaan dastuurka la meelmarin doono oo uu noqon doono mid rasmi ah.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa ka sheegay hadalkaan munaasabaddii ay xukuumadda federaalka kusoo ban-dhigaysay waxqabadkeedii lixda bilood ee dhawaan lagu qabtay Tiyaatarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here