Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Sucuudiga ayaa kulan guul ku dhammaaday la yeeshay maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta boqortooyada Sucuudiga, Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa.
Wasiir Cilmi Nuur iyo maamulaha guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu sanduuqa horumarinta Sucuudiga ku leeyahay Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu dhigayo in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cilmi Nuur ayaa madaxda Sanduuqa uga mahad-celiyay doorka muuqda ee Ssanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya ayaa ka qayb-galaya shirka sanadlaha ah ee bangiga horumarinta Islaamka oo lagu qabanayo sanadkan Magaalada Jidda, waxa uuna kulamo gaar-gaar ah la qaatay madaxda hay’adaha maaliyadda Carabta, si Somalia ay u gaarto deyn-cafin dhinac walba dhameystiran.