Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir Jaraa’id ku Qabtay Aqalka Dowladda Hoose: MUUQAAL

0
325

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay safar shaqa oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay Boqortooyada Saudi Arabia, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka Magaalada Riyaad.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in sharciga lala tiigsan doono shaqsiyaadka ka macaasha sameynta dukumiintiyada been abuurka ah ee Dowladda Hoose Xamar.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Goboka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay ummadda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay ka fagoodaan wax kasta oo burin kara Soonkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here