Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka: SAWIRRO

0
595

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Daah-furay hirgelinta Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo suuro-gelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka.

Mudane Xamse oo dul-istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta ayaa tilmaamay in dal uusan horumar sameyn karin haddii aan muwaadiniintiisu si sax ah u bixin canshuuraha lagu horumarinaayo dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo amniga dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here