Duqa Muqdisho oo ka Qayb-galay shir looga hadlay Amniga Guud ee Qaranka: SAWIRRO

0
503

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalay shir looga hadlay amniga Qaranka iyo ciribtirka Khawarijta

Shirkan ayaaa waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana qodobbadii diiradda lagu saaray ka mid ahaa; dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta , shuruucda hor-tabinta u leh amniga iyo qaadista cunna-qabteynta hubka ee  saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira hawlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah iyo qorshaha qaran ee ka hortagga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Kulanka ayaa lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka xarunta Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee WAANO, taasoo hoos tagaysa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

“Xukuumaddu ahmiyadda 1-aad waxa ay siinaysaa xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Khawaarijtu ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, diyaarinta sharciyada hor qabadka ku leh amniga qaranka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Mas’uuliyiintii kale ee kulanka ka hadlay oo uu ka mid ahaa Duqa Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in Amniga Qaranka uu yahay waxa ugu muhiimsan ee xilligan ay tahay in wax badan laga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here