Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa shir-gudoomiyay shirka kooxda wada-shaqayneed ee wasiirrada Carabta oo ay barbar socdeen kalfadhiga 162-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ayaa waxaa isugu yimid wasiirrada arrimaha dibadda ee ka socday guddiga dalalka Carabta ee taageera Soomaaliya.
Doodda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo wanaajin lahaa midnimada Carabta iyo taageerada Soomaaliya ay ku bixinayso dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Guddigu waxay dib u xaqiijiyeen in ay si buuxda u garab-taagan yihiin Soomaaliya, waxayna si wadajir ah u diideen faragelin kasta oo dibadda ah ama isku dayga ee lagu xad-gudbay madax-bannaanida Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirada ayaa ugu baaqay waddamada dariska ah, gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato falalka wax u dhimaya xasilloonida iyo Qarannimada Soomaaliya.
Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen wasiirrada arrimaha dibadda, Sucuudiga, Baxrayn, Mauritania iyo Masar oo ay weheliyaan safiirka Jabuuti iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiska Is-fahamka ee Itoobiya (MoU) ee ku xusan qoraalka rasmiga ah ee Guddiga dalalka Carabta iyagoo taageeray Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Tallaabadan waxa ay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay ururka Jaamacadda Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah inay difaacaan oo ay dhawraan madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo raacaya mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta la’aanta iyo ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed.













