Duqa Muqdisho iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay arrimo Muhiim ah

0
108

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Qatar ee Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen horumarinta mashaariicda Dowladda Qatar ka wado Soomaaliaya, gaar ahaan Gobolka Banaadir iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda kala duwan ee ay Qatar ka hirgelineyso caasimadda.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah ku-xigeenada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana uu ku soo idlaaday jawi is afgarad ah.

Duqa Muqdisho ayaa dowladda Qadar iyo shacabkeeda uga mahadnaqaday sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, taas oo muujineyso sida uu u wanaagsan yahay xiriirka taariikhi-ga ah ee ka dhexeeyo labad dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here