Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta koormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad oo ku yaalla degmooyinka CabdulCasiis iyo Yaaqshiid.
Xarumaha uu koormeerka ku tagay waxaa ka mid ahaa: Foraniini Hospital oo ku yaalla degmada Cabdulcasiis iyo Juungal MCH oo ku yaalla degmada Yaaqshiid.
Sidoo kale, Kormeerka Agaasime Dr. Cabdiraxmaan Axmed ayaa ahaa u kuur-galidda hawlaha caafimaad, baahiyaha ka jira iyo sidii loo laba-jibaari lahaa adeegyada caafimaad ee shacabka Caasimadda u baahan yihiin.
Ugu dambeyn, Agaasimaha waxaa ku wehlinayay koormeerka guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Yaaqshiid, Cabdullaahi Shiiloow iyo guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda Degmada Yaaqshiid, Sowdo Maxamed Gaaboow.














