Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wakiilkada beesha Caalamka kala hadlay arrimaha doorashooyinka, kadib kulan ay ku waada qaateen aaladdaha fogaan aragga ee Internetka.
War qaraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane.Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlayay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii ay soo saareen guddigii farsamo ee Baydhabo.
“Wakiilada beesha caalamka waxa ay bogaadieen isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo ka dhacay Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoaraalka.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an wax heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.













