Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo faahfaahin ka bixiyay xiriirka Somalia iyo Kuubba

0
446

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa ka warbixiyay muhiimadda xiriirka siyaasadeed ee ee Soomaaliya ay la yeelaneyso dalka Kuubba iyo booqashadii uu dalka ku yimid Wasiirka arrimaha dibadda Finland.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kuubba  ay xiriir dublamaasiyadeed lahaayeen intii u dhaxaysay 1972 – 1977, haatan ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan.

“Sanadkii 1977-kii waa waqti hore, hadda waxaynu joognaa 2023,intii u dhaxeysay caalamka wax fara badan ayaa iska bedelay, inagoo kale, dowlad qubad leh oo xoog leh la ciseeyo ayaynu ahayn, Dowladdeynii waa duntay, haddana cidla ayaynu wax ka soo abuurnay, dowlad ayaan maanta haysanaa, caalamka waa isu guur guuray, waad ogtahay Yurub waa qeybsaneyd, waa midoowday, waxay noqotay hadda Midowga Yurub bey sameysay, 27-wadan baa is doontay oo sameystay urur, xilligaas waxaa jiray Jarmalka oo qeybsanaa wuu midoowbay,” ayuu yiri Wasiir Haruuse.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in hadda ay ku shaqeeyaan siyaasad ah inaan Soomaaliya wax cadow ah yeelan, saaxibo badana yeelato, taas oo kor u qaadeysa horumarka iyo diblomaasiyadda dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa ka hadlay ujeedka booqasho uu Muqdisho ku yimid wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Finland Pekka Haavisto.

Dowladaha Soomaaliya iyo Finland ayaa iska kaashanaya arrimaha la xiriira amniga, howlgalka ATMIS, Waxbarashada, caafimaadka iyo in ay gacan weyn ka geystaan Barnaamijka la xiriira isbedelka Cimilada.

Ugu dambeyn, Madaxwetne Xasan Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto oo soo gaaray Magaalada Muqdisho .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here