Madaxweyne Qoor qoor oo laga dalbaday xaqiijinta 30% qoondada Haweenka

0
1243

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Jimcihii Magaalada Muqdisho kula kulmay koox dumar ah oo u ololeya in haweenka ay baarlamaanka soo socda ka hellaan qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon (30%).

Haweenkan ayaa Madaxweynaha Galmudug kala hadlay, sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, si fursad haweenka loogu siiyo ka qeybgalka siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay Kooxda LeadNow, oo ah dumar si gaar ah ugu ololeya ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda.”

“Waxay si gaar ah kaga wadahadleen, sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee 30% ee doorashada Labada Aqal ee 2021.”

Haweenka Soomaaliyeed ee arrimaha siyaasadda daneeya ayaan qoondadaasi ka helin Baarlamaanka 10aad, ee waqtigiisu dhammaaday, iyagoona doorashadii 2016 ka helay boqolkiiba afar iyo labaatan (24%).

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa toddobaadkii hore sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqayn doonto xaqiijinta qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon, mar uu xafiiskiisa kula kulmay haweenka ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here