Bank-ga dhexe oo bilaabay bixinta ruqsada adeega lacagaha ee taleefoonka

0
463

Bank-ga dhexe ayaa markii ugu horeysay bilaabay bixinta ruqsada adeega lacagaha ee taleefoonka, iyadoo la gudoonsiiyay shirkadda Hormuud Telecom oo bixisa adeega lacagta taleefoonka ee EVC Plus.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in shirkadda Hormuud ay tahay shirkaddii ugu horraysay ee hesha aqoonsigaan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Waxuu sheegay in adeega EVC-ga laga billaabo maanta uu yahay mid la isku halayn karo , maadaama uu maray hanaanka maaliyadeed ee lacagaha taleefoonada oo la jaan qaadayo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayleayaa bogaadiyay shirkadda Hormuud hannaanka oo soo buuxisay shuruucda caalamiga ah ee adeeggan maaliyadeed .

Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Axmed Maxmuud Yuusuf ayaa ka mahadceliyay ruqsadda la gudoonsiiiyay, isagoo sheegay in shirkadda ay bixiso adeegyo badan oo muhiim ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here