Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) Xaawo Taako ee Degmada Wadajir.
Guddoomiyaha ayaa hadal uu xarig-jarka kaddib jeediyay ku sheegay inay tahay wax lagu farxo in maamulka degmada Wadajir uu dhiamaha laanta Xaawo Taako uu u bixiyay in laga dhigo goob caafimaad oo bulshada loogu adeego.
Sidoo kale, Mudane Cabdicasiis ayaa ka dhawaajiyay in MCH-kaan uu qayb ka yahay isku-tashi ay la yimaadeen dadka ku nool degmada Wadajir oo go’aan ku gaaray inay xaruntan ay noqoto goob lagu daweeyo hooyada iyo dhallaanka ku nool degmada, waana arrin aanu ku bogaadinayno.
“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu u taagan yahay in hawlaha hortabinta u leh shacabka loo daadajiyo heer degmo, sida caafimaadka, waxbarashada, nadaafadda iyo dhireynta magaalada, tanna waxa ay qayb ka tahay hawshaas” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in MCH-kan carruurta lagu siin doono tallaadada iyo wax walba oo asaas u ah caafimaad qabka Hooyada iyo Dhallaanka.













