Duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo xarigga ka jaray Jubba HyperMarket: SAWIRRO + MUUQAAL

0
367

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xasan Jimcaale (Madaale) iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray xalay suuqa casriga ah ee Jubba HyperMarket oo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho.

Furitaanka Suuqan Casriga ah oo ay maal-gashadeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, waxaana laga furay agagaarka Hotel Jubba ee degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatda hirgelisay suuqan ku amaanay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, maadama Jubba HyperMarker uu ka mid yahay kuwa bilaya bilicda dalkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan maalgashiga dalkooda, si aan ula tartano caalamka, ugana soo kabanno dib-u-dhicii gaaray dalka xiliyadii burburka.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintii ka hadlay furitaanka suuqan ayaa sheegeen in muhiim ay tahay in ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka lagu dhiirrigeliyo in dalka ay ka hirgeliyaan ganacsiyo noocan oo kale ah, si sare uu ugu kaco dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here