Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku abaal-marinayay 7-da tartame ee ugu sareeyay Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda Abaalmarinta ardaydii ku guuleystay tartanka oo lagu qabtay Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya, guddiga tartanka iyo hay’adda culumada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo abaal-marin guddoonsiiyey 7-da tartame ee ugu sarreeya sannadka labaad ee tartanka Qur’aanka Kariimka ee JFS ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.
“Ubadkan sidaas u xifdiyey Qur’aanka, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxa ay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dhagan yihiin diinteenna Islaamka. Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayay ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa masaajid ayay burburiyeen ama ku dhex laayeen dad ehlu Qur’aan ahaa,” ayuu goobta ka yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn, Abaal-marinnada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Qur’aanka Kariimka ah waxaa ku guuleystay;
1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.






















