Guddoomiye Ku xigeenka arimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir ayaa maanta kula shiray Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Madaxda Caafimaadka 17-ka Degmo ee G.Banaadir si ay uga xogwareysto Shaqada Bulshada ay u hayaan.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose Maxamed Cadoow.
Guddoomiye Basmo ayaa kula dardaarantay madaxda Caafimaadka Degmooyinka dardargelinta Howlaha Caafimaadka ee horyaala iyo in ay Bulshada si hufan ugu shaqeeyaan, si gaar ah axay kala dardaarantay Barakacayaasha dhowaan soo gaaray Caasimadda Muqdisho.













